Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa lagu wadaa in sanadka cusub ee soo socda 2026 ay la wareegto Guddoomiyadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ah tallaabo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, kuna soo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Inta lagu jiro bishan hoggaaminta, Soomaaliya ayaa hogaamin doonta ajandaha Golaha Ammaanka, iyadoo fursad u heli doonta hagidda doodaha ku saabsan amniga caalamiga ah, xasilloonida gobolka, la-dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha bani’aadannimada.
Diblumaasiyiin iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in arrintani ay calaamad u tahay kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamku ku qabto Soomaaliya, isla markaana ay fursad u tahay dalka inuu kor u qaado codkiisa iyo danihiisa caalamiga ah. Waxaa la filayaa in Muqdisho ay xoogga saarto arrimaha la xiriira nabadda iyo xasilloonida Afrika iyo taageerada dalalka soo koraya.
Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa wada dib-u-habeyn dhaqaale, oo diiradda saaraysa xasillinta dhaqaalaha, cafinta deynta, kordhinta dakhliga gudaha iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida beesha caalamka.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tilmaamay in Guddoominta Golaha Ammaanka ay sare u qaadi doonto sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana ay muujinayso marxalad cusub oo dalka uu kaga gudbayo dib-u-dhacii dheer ee ka dhashay colaadaha iyo burburka.
Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan ka-mid-noqotay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobeym, iyada oo ay ugu dambeysay 54 sano ka hor.
HBN Online TV

