Masar oo caddeysay taageerada Amniga Soomaaliya iyo la-dagaallanka Alshabaab

Dowladda Masar ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty, xilli ay ka wada qeyb galayeen Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, iyo xaaladaha amniga ee gobolka. Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo Masar ay mar kale muujisay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyay baahida loo qabo taageero iyo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo xoojiyo Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cabdisalaan ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar, si wadajir loogu shaqeeyo sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa sheegay in dalkiisu si dhow ula shaqeyn doono Ciidamada Amniga Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dadaallada nabadeynta iyo ciribtirka argagixisada.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed