Dowladda Kenya ayaa wafdi culus u dirtay magaalada Kismaayo, xilli uu aan horay loo sii shaaci socdaalka masuuliyiinta dalkaasi. Wafdigan waxaa hoggaaminaysa Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Soipan Tuya, waxaana weheliyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Kenya, Sarreeye Gaas David Ketter.
Wafdigu wuxuu booqday ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta (AUSSOM), iyadoo Wasiiraddu la kulantay saraakiisha ciidamada si ay uga xog-wareysato dagaalka ay kula jiraan Alshabaab iyo guud ahaan xaaladda amni ee ka jirta aagga Kismaayo.
Soipan Tuya ayaa qoraal ay ku daabacday boggeeda gaarka ah ee X ku faahfaahisay ujeeddada booqashadeeda, iyadoo sheegtay in ay tahay mid muujinaysa garab istaag iyo mahadnaq loo jeedinayo ciidamada Kenya ee dalkooda u adeegaya iyaga oo ka fog guryahooda.
“Booqashadeydu waa mid muujinaysa garab istaag, iyo mahadnaq qoto dheer oo aan u jeedinayo ragga iyo dumarka u adeegaya dalkooda iyaga oo ka fog guryahooda, iyo sidoo kale qoysaskooda oo si adkaysi iyo sharaf leh u qaada culayska naf-hurnimada,” ayey tiri Wasiiraddu.
Waxay intaa ku dartay in anshaxa, geesinimada iyo go’aanka adag ee askarta Kenya aan la iska indho-tiri karin, iyadoo carrabka ku adkaysay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay mudnaanta koowaad siinayso daryeelka, badqabka iyo fayo-qabka ciidamada.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Wasiirka Difaaca Kenya ay la kulanto madaxda Jubbaland, kuwaas oo Kenya xiriir dhow la leh, si ay uga wada-hadlaan iskaashiga amni iyo mid siyaasadeed ee labada dhinac. Kenya ayaa saameyn xooggan ku leh arrimaha Jubbaland, iyadoo ciidamadeedu ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, isla markaana door muuqda ka qaata howlgalada xasilinta iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, iyadoo Jubbaland ay martigelinayso shir mucaarad ah oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay wada fulinayaan ciidamada Kenya iyo saaxiibada caalamiga ah.
HBN Online TV

