Mareykanka oo kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii Trump xukunka dib ugu soo laabtay

Mareykanka ayaa si weyn u kordhiyay duqeymaha cirka ee uu ka fulinayo Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabtay xukunka, sida ay sheegtay Hay’adda New America Foundation. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in la fuliyay ugu yaraan 111 duqeyn oo ka dhan ah kooxaha hubeysan, kuwaas oo intooda badan lala beegsaday Alshabaab iyo Daacish (ISIS-Somalia).

Duqeyntii ugu dambeysay oo dhacday 14-kii bsihaan December, ayaa waxaa AFRICOM ka fulisay qiyaastii meel 50-km waqooyi-bari ka xigta magaalada Kismaayo, iyadoo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Alshabaab. Ololaha duqeymaha ayaa billowday bishii February, markaas oo Trump uu amray duqeyntii ugu horreysay ee maamulkiisa, taasoo si weyn uga duwanaatay xaddidaadyadii saarnaa xilligii Madaxweyne Joe Biden.

Tirada duqeymaha la fuliyay sanadkan ayaa ka badan wadarta duqeymihii ay Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya intii ay xilka hayeen madaxweynayaashii hore ee George W Bush, Barack Obama iyo Joe Biden. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanku uu taageerayo dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish, iyo howlgalada ay Ciidanka Xoogga Dalka kula jiraan Alshabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, duqeymahan sii kordhaya ayaa dhaliyay walaac la xiriira khasaaraha rayidka. Warbixinno madax-bannaan ayaa sheegtay in duqeymo iyo howlgallo wadajir ah ay sababeen dhimashada dad rayid ah, oo ay ku jiraan carruur.

Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn, xilli Mareykanku uu hakiyay faahfaahinta ku saabsan qiimeynta khasaaraha rayidka. Dhanka kale, hadallo cunsurinimo ah oo Trump uu dhawaan ka jeediyay muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhaleeceyn kala kulmay gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed