Qaraxyo Muqdisho loo waday oo lagu qabtay Shabeellaha hoose

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo howlgallo qoyshan ka fuliyey qeyb ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in deegaanka Lambar konton lagu qabtay qaraxyo culus oo Alshabaab ay damacsanaayeen in ay gudaha Muqdisho soo geeyaan, balse ay si guul leh ay qabteen.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Lambar Konton, ciidamadu sheegeen in jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigay miinooyin nooca dhulka lagu aaso gaaraya ku dhawaad 10 madax oo ah nuuca dhulka la galiyo.

“Ciidamada Amniga Koonfur-galbeed iyo maamulka deegaanka Nambar 50 ayaa maanta ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan miinooyin ay Khawaarijtu u waday caasimadda dalka” ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Ciidamada Koonfur Galbeed.

Waxaa la sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaraxyada ka hor inta aysan gaarin magaalada, taasoo ka hortagtay khatar weyn oo ay shacabka Muqdisho la kulmi lahaayeen. maamulka Koonfur Galbeed ayaa bogaadisay howlgalkan, isaga oo xusay geesinimada ciidamada ee ka hortaga khataraha amni.

Gobolka Shabeellaha Hoose, oo badanaa ay ka dhacaan weeraro ay fuliso Alshabaab, hadana waxaa socda howlgallo culus oo xoreyn ah, iyadoo dowladda ay ciidan dheeraad ah u dirtay gobolka si looga hortego falalka amni-darrada ee kooxda Alshabaab.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed