Magaalada Kismaayo ayaa saacadaha soo socda martigelin doonta shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyaasha mucaaradka Soomaaliya, oo ay ku jiraan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo door muuqda ku leh hoggaaminta mucaaradka.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaaray Kismaayo, halkaas oo uu ka furmi doono shir soconaya dhowr maalmood. Waxaa kale oo magaalada tagay xubno kale oo mcuaaradka ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa dhameystirka hoggaanka “Golaha Mustaqbalka” oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samata-bixinta, kuwaas oo kaga aragti duwan Dowladda Federaalka hanaanka doorashooyinka tooska ah ee ay waddo. Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in laga wadahadlo xaaladda kala-guurka dalka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland ayaa dadaal ballaaran geliyay abaabulka iyo martigelinta xubnaha mucaaradka, kuwaas oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa la filayaa inuu la kulmo ka qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo sidoo kale jeedin doona khudbado ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
HBN Online TV

