Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan horumarinta iyo wax-soosaarka badda la saxiixatay shirkadda OYAK ee dalka Turkiga. Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan Aadan, waxaana munaasabadda saxiixa lagu qabtay magaalada Ankara, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo xarunta OYAK ku soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya ilaalinta iyo horumarinta khayraadka badda Soomaaliya, wuxuuna horseedi doonaa sida DFS sheegtay maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhismaha warshadaha kalluumeysiga iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, waxaana la tilmaamay inuu mudnaan gaar ah siinayo la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta khayraadka badda iyo abuurista kumannaan fursado shaqo oo si gaar ah u taabanaya dhallinyarada iyo bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha.
Masuuliyiinta Turkiga iyo madaxda shirkadda OYAK ayaa ku tilmaamay heshiiska mid istaraatiiji ah oo xoojinaya xiriirka labada dal, iyagoo bogaadiyay kalsoonida ay Soomaaliya ku qabto maalgashiga Turkiga iyo fursadaha horumarineed ee dalka ka jira.
HBN Online TV

