Jabuuti oo soo iibsatay doomaha haga maraakiibta waawayn

Hay’adda Maamusha Dekedaha iyo aagagga xorta ah ee Jabuuti ayaa si rasmi ah u hawlgelisay laba doon oo casri ah, kuwaas oo loogu talagalay hagidda iyo caawinta maraakiibta waaweyn ee ku soo xiranaya kana baxaya dekedaha dalka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda dekedaha iyo adkeynta doorka istaraatiijiyadeed ee Jabuuti ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Geeska Afrika.

Labada doon ee cusub oo magacyadoodu yihiin Farah Xasan Raage iyo Saad Warsame Diiriye ayaa lagu maamuusay shaqsiyaad door muuqda ka qaatay horumarinta iyo maareynta dekedaha Jabuuti. Doonyahan ayaa ka tirsan unuga TBP 68, waxaana si gaar ah loogu talagalay in ay si ammaan ah u hagaan maraakiib aad u waaweyn, kuwaas oo dhererkoodu gaarayo 370 illaa 390 mitir, qotada-dheerkooduna gaari karo illaa 18 mitir oo hoos ah.

Masuuliyiinta dekedaha ayaa sheegay in doonyahan cusub ay yihiin horumar weyn marka loo eego doonyihii hore ee kaliya caawin karay maraakiib dhererkoodu ahaa 170 mitir.

Waxay intaa ku dareen in iibsashada labada doon ay qeyb ka tahay barnaamij maalgashi oo socday in ka badan labaatan sano, kaas oo lagu bixiyay in ka badan $108 milyan si loo horumariyo hagidda maraakiibta, amniga dekedaha iyo badbaadada guud ee gaadiidka badda.

Mid kasta oo ka mid ah doonyaha cusub ayaa lagu iibsaday ku dhowaad $9.74 milyan, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Jabuuti ay ku doonayso inay ku xoojiso booskeeda ah xarun muhiim ah oo saadka iyo maraakiibta ganacsiga ee gobolka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed