Maxay yihiin ciidamada cusub ee laga sameeyay Puntland?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo xarigga ka jaray dhismaha Taliska Guud ee Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay go’aan lagu xaqiijinayo in ciidamo aan si gaar ah loo leexsan karin, isla markaana masuuliyiinta ciidamada ay mas’uul ka noqon doonaan askarta la hawlgeliyo.

Deni ayaa caddeeyay in ciidamada cusub noqon doonaan kuwa sugaya amniga iyo kala dambeynta, islamarkaana Puntland ay ilaalinayso cid kasta oo u baahan difaac, isaga oo sheegay inuusan samaysan karin ciidan u gaar ah qofna.

Ciidamada cusub ee la hawlgeliyay ayaa garaya 500 booliis oo si buuxda u qalabeysan, halka tiro intraasi oo  kale ahna uu tababar uga socdo Kulliyada Tababarada Booliska ee degmada Carmo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Saraakiil iyo Korneylo gaaraya 500 laga ruqseeyey ciidamada, kadib markii lagu qiimeeyay in aanay ku habooneyn sida uu ku andacooday ciidannimada.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha amni ee Puntland, iyadoo magaalada Garoowe lagu wareejiyay ciidamadan cusub oo sugaya amniga caasimadda. Deni ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in la xoojiyo ciidamada SPU, lana siiyo madaxda difaac cadad go’an iyo qalab ku filan, isla markaana la yareeyo tirada hubka gacanta lagu hayo si loo sameeyo dib-u-habeyn amni oo waxtar leh.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed