Goormuu bilaabaya qodista shidaalka Soomaaliya dalka Turkigu?

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa ku dhawaaqay in Turkigu qorsheynayo inuu billaabo qodista shidaalka Soomaaliya sanadka soo socda, kaddib markii uu Baarlamaanka Turkiga horgeeyay miisaaniyadda wasaaraddiisa ee sanadka 2026.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhammeystiray sahanno baaritaan farsamo ah oo lagu ogaanayo khayraadka shidaalka, kuwaas oo laga sameeyay badda Soomaaliya, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxaan dhammaystirnay sahannadii baaritaanka farsamo ee laga sameeyay biyaha Soomaaliya, waxaana hiigsaneynaa in qodistii ugu horreysay ay dhacdo sanadka 2026,” ayuu yiri Bayraktar.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu Baarlamaanka u sheegay in Turkigu sanadka 2025 dhammeystiray 182 hawlood oo qodis shidaal ah oo dhulka ah iyo 17 hawlood oo badda ah, halka haatan ay socdaan 48 qodis oo dhulka ah iyo afar badeed. Howlahaasi, ayuu sheegay inay horseedeen in la helo keyd cusub oo gaaraya 62 milyan oo fuusto oo shidaal ah.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya ka dhigaysa dalalka mudnaanta gaarka ah ku leh siyaasadda tamarta ee Turkiga, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashi shisheeye iyo ballaarinta kaabayaasha tamarta gudaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa horay u sheegay in wax-soo-saarka shidaalka dalka la filayo inuu billowdo sanadka 2026, taas oo waafaqsan qorshaha cusub ee Turkiga ku dhawaaqay.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed