Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adaha ammaanka Israa’iil, oo ay jitro Mossad, ay ka qayb qaadanayaan baaritaannada socda ee weerarkii ka dhacay Australia, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo Yuhuud ah.
Kanaalka i24 ee Israa’iil ayaa sheegay in baaritaanku weli ku jiro marxaladiisii hore, isla markaana dhammaan suurtagalnimada la baarayo, iyada oo aan weli la go’aamin in weerarka ay fuliyeen dad gudaha Australia ah ama ay ku lug lahaayeen dhinacyo dibadda ah.
Sida uu warbixintu tilmaamay, Israa’iil ayaa bilihii la soo dhaafay u dirtay digniino hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo ku saabsan jiritaanka shabakado ay ku tilmaantay “argagixiso” oo ku sugan gudaha Australia, kuwaas oo qaarkood lala xiriiriyay Iran.
Dhanka kale, aabbaha Ahmed al-Ahmed, ninka Muslimka ah ee la tacaalay mid ka mid ah weeraryahannada xeebta Bondaay ayaa ku tilmaamay wiilkiisa “geesi Australiyaan ah”.
Isagoo la hadlay telefishinka ABC Australia, Mohamed Fateh al-Ahmed wuxuu sheegay in wiilkiisu hore uga tirsanaa ciidanka booliska iyo amniga, isla markaana uu si dabiici ah u dareemay masuuliyadda badbaadinta dadka markii uu arkay dhiig iyo dad dhaawacan.
War kale oo arrimahan la xiriira, Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa si cad u diiday hadalka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee isku xiraya aqoonsiga Australia ay aqoonsatay Dawladda Falastiin iyo weerarka ka dhacay xeebta Bondaay. Albanese wuxuu sheegay in ujeeddadiisu tahay mideynta qaranka, isla markaana la garab istaago bulshada Yuhuudda ee Australia xilligan adag.
Isla wararkan, dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku adkeynayso shuruucda hubka kadib weerarka. Albanese wuxuu sheegay in la sameyn doono diiwaan qaran oo hub ah, lana xadidi doono tirada iyo muddada shatiyada hubka, si looga hortago rabshadaha mustaqbalka.
HBN Online TV

