Wargeyska Washington Post ayaa dib u eegay markhaatifurrada qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday dagaaladii ka dhacay magaalada Al Faashir ee Suudaan, kuwaas oo sheegay in dagaalamayaasha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ay soo ururiyeen rayid ku noolaa magaalada iyagoo u geystay jirdil, isla markaana ay qoysaskooda uga qaateen lacag si madaxfurasho ah siideyntooda.
Warbixin wargeysku uu qoray ayaa waxa uu ku sheegay in markhaatifurrada dadka badbaaday iyo ururrada xuquuqda aadanaha ay muujinayaan in Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ay geysteen xadgudubyo baahsan kadib markii ay la wareegeen magaalada Al Faashir, caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, kuwaas oo isugu jiray afduub ballaaran oo rayid ah iyo in lagu xiro sii deyntooda madax-furasho, iyadoo isla markiiba la fulinayay dilal ka dhan ah kuwa aan awoodin inay bixiyaan madax-furashada, mararka qaarkoodna lagu hor fulinayo xubnaha qoysaskooda.
Sida ku cad xogtan, dadka la haystay ayaa loo geystay jirdil, waa la gaajaysiiyay, waana la bahdilay, waxaana qori caaradiis lagu qasbay inay wacaan ehelladooda si ay uga dalbadaan lacago badan oo lagu sii daayo.
Warbixinta wargeyska Washington Post waxay sheegaysaa in xadgudubyadan ayaa sii xumaaday kadib go’doomin magaalada saarneyd muddo sanad iyo bar ah, iyo markii ciidanka Suudaan ay ka baxeen dhammaadka bishii Oktoobar, taas oo keentay in RSF ay fuliyaan xarig ballaaran oo ay kula kaceen rag, dumar iyo carruur ah.
Nidaamka baadda: Inkasta oo ay adag tahay in la ogaado baaxadda dhabta ah ee dambiyada sababo la xiriira hakadka isgaarsiinta, markhaatifurrada la heli karo waxay tilmaamayaan muuqaallo argagax leh, oo ay ka mid yihiin in rayid la dulmariyay gaadiid gaashaaman, dilal ballaaran oo muuqaal lagu duubay, iyo carruur agoon oo lagu daayo dhulka lamadegaan iyaga oo ambaday.
Dhacdooyinkan waxay ku yimaadeen xaaladda dagaal socday tan iyo Abriil 2023, kaas oo Qaramada Midoobay ku tilmaantay dhibaatada bani’aadamnimo ee ugu xun dunida, kaas oo barakiciyay ku dhowaad 12 milyan oo qof isla markaana dilay tiro aad u badan oo rayid ah.
Nathaniel Raymond, oo ka tirsan Jaamacadda Yale ee dalka Mareykanka wuxuu aaminsan yahay in tobanaan kun oo qof ay RSF ku dileen Al Faashir oo keliya, isaga oo xusay in qaybta uu madaxda ka yahay ee Jaamacada toddobaadka soo socda ay soo saari doonto warbixin diiwaangelinaysa ugu yaraan 140 gabdhood oo la dilay iyo la socodka dadaallo ballaaran oo lagu qarinayo caddeymaha xasuuqyada.
Warbixinno ayaa daaha ka rogay nidaam baad ah oo abaabulan oo ka jira xarumaha xabsiyada, gaar ahaan magaalada Nyala, halkaas oo kumannaan rayid ah lagu hayo xaalado adag, lana sii daayo oo keliya kadib bixinta madax-furasho loo maro xawaalado lacageed, halka jirdil iyo xaalado caafimaad oo liita ay sababeen dhimashooyin soo noqnoqday.
Ururrada caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha ayaa xaqiijiyay in dhakhaatiir, siyaasiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed ay ka mid ahaayeen dhibbanayaasha, waxaana qof shaqaale caafimaad, oo codsaday in magaciisa la qariyo cabsi awgeed, uu sheegay inuu ku sugnaa magaalada Al Faashir intii lagu jiray go’doominta, isla markaana markii dagaalyahannadu la wareegeen magaalada uu la baxsaday koox ku dhow 100 qof, balse si degdeg ah loo qabtay, iyadoo ku dhowaad 30 ka mid ah lagu toogtay isla goobtaas.
Qofka Shaqaalaha caafimaad ah wuxuu sheegay in dadkii badbaaday lagu qaaday kolonyo gaadiid ah lana geeyay magaalada Katum, isaga oo yiri: “Waxay nagu dejiyeen guri cidlo ah, waxayna nagu amreen inaan la xiriirno qoysaskeenna. Waxay ii sheegeen waa inaad ku qancisaa inay bixiyaan 50 milyan oo giniga Suudaan ah, haddii kale isla markiiba waan ku dilaynaa.”
Sida uu sheegay wargeysku, qofka shaqaalaha caafimaadku wuxuu wacay asxaabtiisa maadaama uu ogaa in qoyskiisu uusan haysan lacagtaas, asxaabtiisuna waxay ku guuleysteen inay madax-furashada hoos ugu dhigaan 15 milyan oo giniga Suudaan ah (qiyaastii $25,000 oo doolar), kadibna lacagta waa la diray isagaana waa la sii daayay.
Shaqaaluhu wuxuu sheegay in ilaalada ay dhiirrigelinayeen dil aan kala sooc lahayn, isla markaana uu maqlay mid ka mid ah oo leh: “Waa inaad dishaa kala bar si aad cadaadis ugu saartaan inta kale inay bixiyaan madaxfurasho.”
Qof kale oo markhaati ah ayaa sheegay in ku dhowaad 150 qof oo isagu ku jiro ay ka baxeen magaalada Al Faashir, kuwaas oo 30 oo keliya ay soo hareen, kadib markii RSF ay ku dileen intii kale baraha kontaroolada, iyagoo madaafiic ku garaacay kuwa kalena gawaari dul mariyay.
Siyaasad ahaan, xasuuqyadani waxay iftiimiyeen tartanka gobolka ee ku saabsan Suudaan, iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira taageeridda dhinacyada dagaalka, xilli cunaqabataynta caalamiga ah ay ku guuldarreysatay inay joojiso rabshadaha.
Iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay socdaan, kumannaan rayid ah ayaa weli qori caaradiis lagu haystaa, taas oo muujinaysa baaxadda iyo qoto-dheeraanta musiibada bani’aadamnimo ee ka taagan Darfur iyo guud ahaan Suudaan.
Hbn Online Tv

