Booliska Soomaaliya oo kiiska wiilal walaalo ah oo hore loo sheegay in la afduubtay ka hadlay, iyada oo dad loo soo qabtay

Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay laba wiil oo walaalo ah oo horey loo shaaciyay in la afduubay. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifatax Adan Xasan, ayaa sheegay in kiiska wiilashaan oo ah walaalo laguna kala magacaabo Ibraahim Muuse Ibraahim iyo Yuusuf Muuse Ibraahim ay ka hayana xog la xiriirta gaarigii lagu qaaday iyo halkii la geeyay.

Cabdifatax Adan ayaa intaas ku daray in hal eedeysane loo qabtay arrinta wiilasha walaalaha ah isla markaana xogta ay hayaan ay ku wareejiyeen xeer-ilaalinta.

Sidoo kale afhayeenku wuxuu sheegay in dad kale oo arrintaan ku lug leh ay boolisku ku daba jiraan ayna rajeynayaan in gacanta lagu soo dhigo.

Aabaha dhalay labada wiil oo mataano ah Muuse Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda uu gacanta ku haayo labadiisa wiil, uuna u mahadcelinayo hay’adda ammaanka oo kala shaqeeyey in ilmihiisa uu dib u helo.

Hbn Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed