Sirdoonka NISA oo faahfaahin ka bixiyey dagaal ay Alshabaab kula galee Jambaluul & khasaare kooxda soo gaaray

Taliska Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ciidamada Hay’addu ka fuliyeeen gobolka Shabeellaha Hoose degaanka Jambaluul oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye tiro Alshabaab ah oo uu ku jiray xubin sare oo horjooge ahaa.

War saxafadeed ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab oo uu ku jiro horjooge ka tirsanaa kooxda. Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay kooxdu ku diyaarinayeen qaraxyo, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal fool ka fool ah.

Dagaalka tooska ee dhexmaray ciidanka NISA iyo kuwa Alshabaab ayaa sababay in waxyeelo ay soo gaarto dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kadib markii hoobiyaal kooxdu ku garaacday goobo dad shacab ah dagan yihiin.

“Dowladda Soomaaliya waxay aad uga xuntahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojinaysaa howlgallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri War saxafadeedka ka soo baxay NISA.

NISA ayaa ku soo afmeertay hadalkeeda in ciidamadu ay sii laba jibaari doonaan howlgalada ka dhanka Al-shabaab ee looga hortagayo dhibaatada kooxdu ku hayso dadka shacabka ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed