Kenya oo xirtay in ka badan 25 qof oo ay Soomaali ku jirto oo loo heysto dambiyo musuq

Waaxda dambi-barista Kenya ayaa sheegay inay howlgal xirfadeysan ku soo xireen 26 qof oo sida la sheegay ku lug lahaa ama si sharci darro ah oo aan waafaqsanayn habraaca helitaanka dukumentiyada muhiimka ah ee dawladda ku bixinayay dukumentiyo ay kamid yihiin Kaararka Aqoonsiga dalka, Baasaboorka, Shahaadooyinka Dhalashada, iyo Kaararka Aqoonsiga Ajaanibta ee dadka ajaaniibta ah iyo kuwo kale.

Howlgalka oo laba maalmood socday ayaa lagu qabtay shaqaale dawladeed oo ka tirsan Xafiiska Diiwaan-gelinta Qaranka iyo Agaasinka Socdaalka, iyadoo sidoo kale la qabtay odayaal dhaqameed, maalgeliyayaasha qorshayaasha sharci-darrada ah, iyo dhexdhexaadiyeyaal dardar geliyay soo saarista dukumentiyadan iyada oo loo marayo waddooyin musuqmaasuq ah.

Baaritaannada ayaa shaaca ka qaaday shabakad isku xiran, halkaasoo shaqaalaha dawladdu ay si xun u jebiyeen habraacyada la dejiyay, iyaga oo ka faa’iideystay jagooyinkooda si ay u fududeeyaan diiwaangelinta iyo soo saarista dukumentiyada aasaasiga ah si sharci darro ah.

Ganacsigan sharci darrada ah ah ayaa si xun u wiiqaya daacadnimada nidaamyada dawladda, waxaana uu dalka u hor seedayaa khataro xagga amniga ah oo halis ah, oo ay ku jirto soo gelitaanka iyo ka bixitaanka dadka e dalka si qarsoodi ah.
Intii hawlgalku socday, dambi baarayaasha ayaa gacanta ku dhigay tiro badan oo dukumentiyo dawladeed iyo agabyo kale oo laga helay guryaha qaar ka mid ah eedaysanayaasha, kuwaas oo ah agab ay tahay in si adag loogu ilaaliyo xafiisyada dawladda Kenya.

Waxyaabaha laga helay waxaa ka mid ah: Foomamka codsiga Aqoonsiga Qaranka oo kuwo la buuxiyay iyo kuwa aan la buuxin, qalabka faraha lagu qaadayay, shahaadooyinka dhalashada iyo geerida, baasaboorka, Shaambadaha rasmiga ah ee dawladda, iyo agabka kale ee diiwaangelinta.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa kamid ah dad Soomaali ah oo isugu jira ganacsato iyo shaqaale u shaqeeya dowladda iyo dad kale oo u dhashay dalka Kenya oo iyaguna u shaqeeya dowladda. Dhammaan eedaysanayaasha ayaa hadda ku jira xabsiga, iyagoo maraya habraacyo ay wadaan hay’ado badan ka hor inta aan la horgeyn maxkamadda.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed