Ugu yaraan 5 qof lagu soo waramayaa in lagu dilay weerarro is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah maanta
Xaafadda Farjano ee degmada Beledxaawo, shan qof oo rayid ah ayaa lagu toogtay fiidnimadii Axaddii xalay. Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa nin xanuunsanaa iyo afar qof oo qoyskiisa ah — labo wiil oo isa sod ah iyo laba xubnood oo qaraabo dhow — kuwaas oo la sheegay inay daryeelayeen.
Dilka ayaa lala xiriirinayaa weerarro aargoosi beeleed oo muddooyinkan kusii badanayay degmooyin badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ah.
Ciidamada ammaanka ee Beledxaawo ayaa bilaabay howl-gallo lagu baadi-goobayo kooxaha looga shakisan yahay falalkan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalad kacsan laga dareemay degmada maanta, iyagoo ka cabsi qaba in rabshado kale ay dhacaan.
Ilaa hadda, masuuliyiinta degmada, maamulka gobolka Gedo iyo hay’adaha ammaanka midkoodna kama hadlin dilalkan ugu dambeeyay.
Isha ku haay Hbn Online Tv

