War Degdeg ah: Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo caawa iscasilaad ku dhawaaqay

Wasiirkii Warfaafinta ee xukuumadda Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa caawa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, isaga oo sheegay in arrimaha ka taagan magaalada Boorama ay sabab u ahaayeen go’aankiisa.

Wasiirka ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee iscasila xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, oo haatan ku jira sannadkiisii ugu horreeyay ee xilka.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in shaqada qaranka aan u hayey in halkaa wixii dambeeya sii wadi kareyn” ayuu yiri wasiir hore Axmed Yaasiin.

Iscasilaaddiisa waxay timid laba maalin kadib markii uu ku dhawaaqay in la fasaxay xuska xeerka Ciise, iyadoo go’aankaasi uu dhaliyay rabshado daba socda oo ka qarxay magaalada Boorama, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horraantii maanta shaaciyey in gebi ahaanba la joojiyo xuskaasi, isaga oo shacabka Boorama ugu baaqay nabad, degganaansho iyo in la joojiyo colaadda. Si kastaba, dagaal culus ayaa weli ka socda magaalada inkasta oo baaq nabadeed la jeediyay.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed