Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka socdo dagaal culus, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay isku dhaceen dad careysan oo dhigaya dibadbaxyo rabshado wata, waxaana la xaqiijiyay in xaaladdu ay qasan tahay, isla markaana ay socdaan iska hor imaadyo xooggan oo sababay khasaare.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq iyo uuro cirka isku shareeray, iyadoo dhalinyaro gadoodsan ay gubayaan Taayirro bartamaha waddooyinka. Waxaa sidoo kale la arkay kolonyo baabuurta Cabdi-bileyaasha Booliska Somaliland oo dhex maraya wadooyin ay yaallaan dhagxaan, ayna ka muuqdaan gubasho ka dhashay rabshadaha.
Sidoo kale, ilo madax-bannaan ayaa soo sheegay khasaare rayid oo ay ku jiraan dhimasho, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada. Dhawaqa rasaas culus iyo mid fudud ayaa wali laga maqlayaa qaybo badan oo magaalada ka mid ah, iyadoo xaaladdu ay u muuqato mid wali sii cakirmaysa.
Dhaqaatiirka Isbitaalka Boorama ayaa ku tilmaamay xaaladda mid halis ah, iyagoo sheegay in xarunta caafimaadka ay isu rogtay “furin dagaal” oo aan lagu kala socon karin gudaheeda. Waxay si degdeg ah ugu baaqeen in maamulka magaalada in ciidamada laga fogeeyo isbitaalka si loogu fududeeyo gargaarka iyo daryeelka dadka ku dhaawacmay rabshadaha.
Dhanka kale, war kooban oo lagu daabacay bogga Isbitaalka gobolka ee Boorama ayaa lagu yiri “Shacabka reer Boorama Waxaan Ka Codsanaynaa in Mar Kasta Wajahada Ama Barxada Cisbitaalka Loo Furo Gadiidka Gurmadka Deg Deg Ah (Ambulance )Si Dhawaaca Loo Badbaadiyo”.
Hbn Online Tv

