Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday maanta in la joojiyey munaasabaddii xuska Xeer Ciise ee lagu qaban lahaa magaalada Saylac, kadib markii xiisado sababay rabshado dhimasho leh ay ka dheceen gobolka Awdal.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in go’aanka lagu baajiyey munaasabadda uu ku saleysan yahay danta guud iyo dareenka shacabka. “Maanta waxaan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, anigoo ka eegaya danta guud iyo dareenka ummaddayda, annagoo u dhaga nugul wax kasta oo maslaxad guud ummadda ku xiran tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay shacabka Boorama inay muujiyaan nabad, xasillooni iyo midnimo bulsho. “Waxaan diyaar u ahay wax kasta oo dhiiga dadkaygu ku baaqanayo.” ayuu ku daray.
Sidoo kale, Cirro wuxuu sheegay inuu taageerayo dadaallada madax-dhaqameedka ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda, isagoo adkeeyey in gogosha nabadeed ay muhiim u tahay xasilinta gobolka.
Ugu dambeyn wuxu faray Ciidamada ammaanka Somaliland in la sugo nabad-galyada, isaga oo ku faanay in xal loo heli doono “waxa la isku maan-dhaafay”, ayna dadku muujinayaan deganaan.
Hbn Online Tv

