Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey arimaha doorashada qof iyo codka ah ee goleyaasha deegaanka oo dhawaan lagu wado inay ka qabsoomaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si maldahan hadalkiisa ku muujiyay fariin xooggan oo ku wajahan dadka weli Soomaaliya ku eegaya aragtiyihii colaadeed iyo burburkii hore.
Madaxweynaha oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka dibadda jooga ay weli Soomaaliya ku qiimeeyaan waxyaabihii tagtay, halkii ay ka daawan lahaayeen horumarka maanta ka socda iyo dadaalka muuqda ee dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan horseedka u yihiin.
“Dad badan weli hoos ayey inoo fiirinayaan — iyaga oo caqlogooda ku salaynaya wixii la soo dhaafay oo aan arkaynin waxa maanta socda & dadaalka dhalinyarada Soonaaliyeed iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay samaynayaan — si uun aan u arkaynine ee meeshii shalay jooga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isagoo hadalkiisa sii xoojinaya, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Soomaaliya maanta ka guurtay marxaladihii mugdiga ahaa isla markaana hadda diiradda saaray dhanka isbedelka iyo dowladnimada.
“Waxaan leenahay: Shalay ka imaada. Ummadda Soomaaliyeed waa dhaqaaqday, waa guurtay wadadii horumarka, barwaaqada iyo dowladnimada.” ayuu yiri markale.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Donald Trump uu sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isaga oo u sheegay weriyeyaasha in ay “dib ugu noqdaan halka ay ka yimaadeen” isla markaana “dalka ay ka yimaaddeen aanu wanaagsanayn sabab jirta darteed.”
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay is diiwaan galiyeen ku dhawaad hal milyan oo ruux, isagoo dadkaasi ugu baaqay in ay kaararkooda soo doontaan. Wuxuu tilmamaay in qorshaha socda yahay in la gudbo hanaanka awood qeybsiga Soomaaliya habka qabiilka ku saleysan.
“Dalkeena wuxuu doonaya inuu ka gudbo nidaamka 4.5, sidaasi darteed waa in qofkasta ku dadaala siduu u dhiiban lahaa codkiisa doorashada qof iyo codka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh. Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli 25 bisha Decembar la qorsheeyay in ay qabsoonto doorashada qof iyo codka ah.
Hbn Online Tv

