Kulan gaar ah oo maanta dhexmaray masuuliyiin sare oo ka kala socday dalalka Soomaaliya iyo Yemen ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhanka difaaca, gaar ahaan sidii loo adkeyn lahaa amniga marin-badeedka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, kaas oo marar badan ay kooxaha loogu yeero argagixisada u adeegsadaan in ay ku gudbiyaan hub sharci-darra ah.
Wadahadalladan oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Yemen JeneraalMohsen Maxamed Axmed Al-Daacari. Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo sare oo ka kala socday labada dal.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac gaar ahaan wasaaradaha difaaca ee Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay muhiimadda weyn ee ay leedahay in si wadajir ah loo xakameeyo qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka dhaca marin-biyoodka. Hubkan oo marar badan gaaray gacmaha kooxaha loogu yeero xagjirka ah ayaa lagu sheegay kulanka in uu ku khatar yahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba, iyagoo isku raacay in looga baahan yahay in laga hortago si wadajir ah oo joogto ah.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyay in la xoojiyo wada-shaqaynta dhinacyada amniga, wadaagista xogaha sirdoonka, iyo in si nidaamsan looga hortago dhammaan noocyada hubka sharci-darrada ah iyo dhaqdhaqaaqyada khatarta leh ee ka imanaya marin-biyoodka u dhexeeya labada dal, si loo sugo amniga gobolka oo dhan.
HBN ONLINE TV

