Soomaaliya oo si quursi leh uga jawaab celisay hadallada Trump

Dawladda Soomaaliya ayaa si quursi leh uga jawaabtay hadalladii dhaliisha lahaa ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u jeediyay Soomaalida dalkiisa nool, kuwaas oo uu si gaar ah ugu beegsaday muhaajiriinta ku nool dalkaas.

Intii lagu jiray munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la weydiisay sababta uusan uga falcelin hadallada Trump ayuu sheegay in aysan u gaar ahayn Soomaaliya oo keliya, balse uu sidoo kale aflagaadeeyay dalal kale sida Nigeria iyo South Africa.

Wuxuu intaas raaciyay:“Mararka qaarkood waxyaabo baa la yidhaa ‘Salaaman ku dhaafa’. Hadalka Trump ma aha wax la weynaynayo; meesheedana ha lagu daayo.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku adkeystay in aan hadallada Trump laga dhigin arrin weyn oo micno loo sameeyo, isagoo ku soo gabagabeeyay: “Waxaa ka dhib yar in aan iska dhaafno.”

Donald Trump ayaa sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isaga oo u sheegay weriyeyaasha in ay “dib ugu noqdaan halka ay ka yimaadeen” isla markaana “dalka ay ka yimaaddeen aanu wanaagsanayn sabab jirta darteed.”

“Runtaan kuu sheegayaa, ma rabo gudaha dalkayaga in ay sii joogaan,” ayuu yidhi intii lagu jiray kulan golihiisa wasiirrada Talaadadii. Trump wuxuu sidoo kale yidhi Maraykanku wuxuu “jid qaldan ku dhici doonaa haddii aan sii wadno in aan qashin soo qaadanno dalkayaga.”

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X wuxuu u dhignaa sidaan:”Dadka qaarkood waxaa aad ugu fududaatay inay Soomaaliya u adeegsadaan marmarsiiyo ama inay ku qariyaan guuldarradooda. Sheekadan ma aha oo keliya mid been ah, balse waa aflagaado loo geystay adkeysigeenna iyo naf-hurnimadeenna. Waa inaan midnimo muujinaa, ilaalinaa karaamadeenna, una muujinnaa caalamka inaanan ahayn wax uu qof doonayo oo sida uu rabo u adeegsado”.

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ayuu amray maamulka Trump in ay bartilmaameedsato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan sharciyada haysan ee ku nool magaalooyinka Mataanaha ah, sida uu sheegay qof arrimaha qorshaynta ku dhow oo u warramay CBS News. Boqolaal qof ayaa la filayaa in la beegsado marka hawlgalku billowdo toddobaadkan, sida uu sheegay mas’uulkaas.Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horraysay soo tebiyay hawlgalka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay, duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, ayaa sheegay in hawlgal ay ICE fuliso uu “ka dhigan yahay in hab-raaca sharciyadu la meelmarin doonin.”Sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, waxaa halkaas ku nool ku dhowaad 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ah muwaadiniin Maraykan ah

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed