Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi, waxaana kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga, maalgashiga iyo gargaarka bini’aadannimada.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uga mahadnaqay Qatar deeqaha iyo gurmadka ay siiso bulshadooda, gaar ahaan xilliyada adag iyo abaaraha, isla markaana uu ka codsaday in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee socda.
Dhankiisa, Safiirka Qatar Abdullah Bin Salem ayaa carrabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan mashaariicda ay ka fuliyaan Somaliland, kuwaas oo diiradda lagu saarayo adeegyada bini’aadannimada iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday sida la sheegay is-fahan iyo ballan-qaad ay labada dhinac ku xaqiijinayaan sii wadista wada-shaqaynta, iyadoo la adkaynayo iskaashiga ku dhisan dano-wadaag iyo is-ixtiraam.
Hbn Online Tv

