Soomaaliya oo meel marisay heshiiska ciidanka Heeganka bariga Afrika

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiiska Aas-aasida Ciidanka heeganka Bariga Afrika, kadib kulankooda ay yeesheen xarunta Golaha Shacabka, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Intii kulanka lagu guda jiray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Golaha uga faahfaahiyey akhrinta saddexaad ee heshiiskan, taasoo markii dambe cod loo qaaday. Natiijada ayaa ahayd 144 xildhibaan oo oggolaaday, hal xildhibaan oo diiday, halka laba ay ka aamuseen, taasoo micnaheedu yahay in si rasmi ah loo meel mariyey heshiiska oo lagu sheegay mid amniga gobolka xoojinaya.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Daawada. Waxay sheegeen in hindisahan looga tashaday dhammaan bahda caafimaadka, ganacsatada dawooyinka iyo hay’adaha khuseeya.

Xildhibaanadu waxay ka doodeen qodobo ay ka mid yihiin ka hortagga daawooyinka dhacay iyo sida sharciyadani muhiim ugu tahay tayeynta adeegga caafimaadka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madoobe ayaa faray Guddiga inay soo diyaariyaan akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada si loogu soo celiyo Golaha cod-u-qaadistiisa.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed