Maraykanka oo Itoobiya & maamullada Puntland iyo Somaliland kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish

Taliska Maraykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa Itoobiya iyo maamullada Puntland iyo Somaliland kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyada oo wada-hadalladu diiradda saareen xoojinta iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka waxa ay ugu yeeraan argagixisada ee ku baahsan gobolka Geeska Afrika.

Saraakiil sare oo ka tirsan AFRICOM iyo wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda saddexdan dhinac, iyaga oo ammaanay doorka ciidamada maxalliga ah. Waxay adkeeyeen in muhiim ay tahay isku-xirnaanta hay’adaha amniga iyo wadaagista xogta sirdoonka si loo wiiqo dhaq-dhaqaaqa Alshabaab iyo Daacish ee gobolka.

Mareykanka ayaa sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu siiyo taageero farsamo, tababaro ciidan iyo qalab amni oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada gobolka. AFRICOM ayaa sheegay in amniga Afrika uu si toos ah u saameeyo amniga Mareykanka, isla markaana howlgalada uu ka fuliyo gobolka ay qayb ka yihiin difaaca danaha Mareykanka gudaha iyo dibaddaba.

Taliska AFRICOM wuxuu sheegay in kulammadii toddobaadkii hore la yeeshay Itoobiya, Puntland iyo Somaliland ay ahaayeen kuwo lagu xoojinayo iskaashiga amniga, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Daacish ee loo qorsheeyay in laga fuliyo buuraha Calmadow iyo deegaanada u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed