Wafdi sare oo ka socda Dowladda Mareykanka ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyaga oo ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin dagaallada kooxaha loogu yeero Argixisada & amniga.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayey Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayaa kala hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe xaaladda guud ee deegaanada Jubbaland, gaar ahaan arrimaha amniga iyo taageerada arrimaha bini’aadanimo ee gobolka.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka taagan, inkasta oo aan lagu xusin war-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Jubbaland & Safaaradda Maraykanka.
“Intii uu socday kulanka, oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.
Kulanka maanta dhacay ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu tagey magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kulamo natiijooyin la’aan kusoo dhamaaday la yeeshay Axmed Madoobe.
Hbn Online Tv

