Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay siyaasiga Jaamac Shabeel. Jaamac oo laga qabtay magaalada Wajaale ee xuduudda ku taalla ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood, halkaas oo uu sheegay in uu ka waday hawlo nabadda la xidhiidha.
War kasoo baxay Booliska Somaliland oo looga hadlay xariga Jaamac Shabeel ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigtay siyaasiga caan ah oo ay ku eedeyeeyeen waa sida hadalka ay u dhigeen arimo qaran-dumis ah.
“Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedaysane Jaamac Shabeel oo ku eedaysan arrimo kasoo horjeeda Qaranimada, xadgudubna ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo dhawaanahan ku hawlanaa.” ayaa lagu yiri warka Booliska Somaliland.
Waxaa la sii raaciyey “Eedaysanaha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha Garsoorka ee dalka. Taliska Ciidanka Booliska Somailland waxa uu digniin adag u dirayaa dhammaan dadka ku hawlan falalka xadgudubka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland”.
Hbn Online Tv

