Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyey in iska hor imaad israsaasayneed ay ka dhacday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Cigaal, halkaas oo uu safar uga dhoofayey Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo u socday sida ilo madaxbaan xaqiijiyeen dalka Imaaraadka Carabta.
Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya murankii iyo is-marin-waagii ka dhacay ilinka hore ee garoonka, iyadoo warbixin ay heshay warbaahinta ay tilmaamayso in la hor istaagay qaar ka mid ah gaadiidkii gelbinayey Madaxweyne Biixi.
Dhanka kale, Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay dhacdadaan ayaa si adag u cambaareeyey talaabo uuku sheegeen in “ciidamada Booliska garoonka Hargeysa kula keceen Madaxweynihii -aad Somaliland”, ayna u arkaan “mid aan la aqbali karin” rasaasta ay ciidanka boolisku u isticmaaleen Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa sidoo kale muuqata in Muuse Biixi iyo weftigiisu lug ku galeen garoonka, iyaga oo aan adeegsan wax gaadiid ah, arrintaas oo keentay hadal–hayn iyo shakiyo amni.
Mubaarig Taani, xoghayihii hore ee Madaxweyne Biixi, ayaa qoraal uu soo dhigay Faceboook ku eedeeyey xukuumadda Somaliland in ay is-hortaag ku samaysay safarka madaxweynihii hore, isaga oo ku tilmaamay dhacdada “fal argagaxiso ah” isla markaana sheegay in jawaab degdeg ah laga bixin doono.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi loo diiday qolka VIP-da ee loogu talagalay madaxda. Ilaa iyo hadda maamulka garoonka, laamaha amniga, iyo Wasaaradda Duulista Somaliland wax war rasmi ah kama aysan soo saarin xaaladda ka dhacday garoonka Cigaal.
Isha ku ahay Hbn Online Tv

