Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay martigelisay in ka badan 40-kun oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah

Waxaa magaalada Nairobi maanta lagu soo gabagabeeyay shir heer wasiir ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay ka qeyb-galeen Wasiirrada Arrimaha Qaxootiga ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan ayaa looga hadlayay saami-qaybsi goboleedka ee Madasha Taageerada Qaxootiga & xaaladda qaxootiga, kuwa dib ugu soo noqday dalalkooda iyo bulshada martigelisa qaxootiga.

Soomaaliya, waxaa shirka uga qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay martigelisay 45-kun oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah oo ka kala yimid dalal badan oo caalamka ah.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in in ka badan 243,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ay dib ugu soo laabteen dalkooda, halka tirada barakacayaasha gudaha ay gaartay 4.1 milyan oo qof, taas oo ka tarjumaysa baahida degdegga ah ee loo qabo xal waara.

Intaas waxaa uu ku daray in Baarlamaanka Federaalka uu dhawaan ansixiyay labo sharci oo muhiim u ah ilaalinta xuquuqda dadka barakacay—Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Hindise-Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha—kuwaas oo uu tilmamay inay dowladda Soomaaliyga ka ga go’an tahay in ay wax ka qabato arrimaha barakaca, ayna fuliso ballan-qaadyadii ku xusnaa Baaqii Nairobi ee Madasha Caalamiga ah ee Arrimaha Qaxootiga.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay sii adkayn doonto iskaashiga ay la leedahay IGAD iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo helo xal waara oo nidaamsan oo wax looga qabto barakaca iyo arrimaha qaxootiga.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed