NISA oo qabatay shabakad qaraxyo, sirdoon iyo basaas oo Alshabaab ah

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay shabakad Alshabaab ah oo ka kooban ilaa 11 xubnood, kuwaas oo ku howlanaa sida hadalka loo dhigay falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay magaalada Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

NISA ayaa tilmaantay in xubnahaan ay kooxda u soo diyaarisay inay fuliyaan shirqoollo ay ku tilmaantay kuwa argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka.

“Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.” ayaa lagu yiri warka NISA.

Sidoo kale, Xubnahan Alshabaab ayaa NISA sheegtay in loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon, iyadoo la tilmaantay in khatar oo ay arkaan shacabka la soo wadaagaan hay’adda NISA.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed