Magaalada Hargeysa ayaa maanta martigelisay kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi sare oo ka socday Maraykanka, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidammada AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, iyo Safiir ku-xigeenka Maraykanka, Justin Davis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan amniga, nabadgelyada gobolka iyo danaha istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa wafdiga uga warramay doorka muhiimka ah ee ay Somaliland ka qaadato xasilloonida gobolka, ilaalinta xuduudaha, la dagaallanka waxay ugu yeeraan kooxaha xagjirka ah iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed. Wuxuu xusay in Somaliland ay leedahay sida uu hadalka u dhigay nidaam amni iyo siyaasadeed oo xasiloon, isla markaana ay mudnaan gaar ah siisay ilaalinta amniga gudaha.
Sidoo kale, Taliyaha AFRICOM, Gen. Anderson ayaa la sheegay warka xukuumadda ka soo baxay inuu ku ammaanay Somaliland goobta ay ku taallo eeistiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika. Intaas kaddib, wafdiga Maraykanka ayaa loo qaaday dekedda iyo madaarka Berbera si ay u kormeeraan xarumaha istiraatijiga ah ee gobolka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay si buuxda ula shaqeyso Mareykanka si loo xoojiyo amniga gobolka, loo yareeyo khataraha ka dhasha hirdanka quwadaha waa weyn ee Gacanka Cadmeed, loona hormariyo iskaashiga dhinaca difaaca, dhaqaalaha, maalgashiga iyo adeegyada bulshada.
Kulanku wuxuu ku soo aadayaa iyadoo bishii June ee sanadkaan uu hargaysa ka dhacay kulan ay yeesheen Somaliland iyo Wafdi uu hoggaaminayay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Richard Riley, waxayna booqdeen magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera, halkaas oo ay kormeereen kaabeyaasha muhiimka u ah sugidda amniga iyo difaaca gobolka.
Hbn Online Tv

