Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi ee magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiyey in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Qaasin Cabdi Xasan, kana mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku noolaa.
Marxuumka ayaa lagu toogtay gudaha dukaankiisa, waxaana falkaas geystay burcad hubeysan oo u dhalatay Koonfur Afrika. Deegaanka Philippi ayaa ka mid ah meelaha ugu halista badan ee lagu bartilmaameedsado ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo asbuucii hore lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.
Booliiska Koonfur Afrika ayaa markii dambe gaaray goobta dilku ka dhacay, waxayna sheegeen inay wadaan baaritaanno ku saabsan dhacdada. Si kastaba ha ahaatee, weli lama soo warin cid loo soo qabtay dilka Qaasin Abdi Hassan.
Dilalka iyo dhaca loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa muddooyinkii dambe sii kordhay, iyadoo aysan jirin wax tallaabo muuqata oo dowladda Soomaaliya ama tan Koonfur Afrika ka qaadayaan si loo yareeyo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku shaqeysta.
Hbn Online Tv

