Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacay qayb ka mid ah Suuqa weyn ee xaafadda Hantiwadaag, kaasi oo qabsaday goobo ganacsi & baqaaro ay yaallaan hanti badan.
Dabka ayaa si degdeg ah ugu faafay dukaamo badan, waxaana wararku tilmaamayaan in aysan jirin wax dab-damis ah oo hadda ka qeyb qaadanaya daminta holaca, taas oo cabsi gelisay ganacsatada iyo dadka deegaanka.
Shacabka deegaanka ayaa isku dayaya inay badbaadiyaan hantidooda, iyagoo adeegsanaya biyo iyo ciid ay iyagu ku dambinayaan dabka. Waxaa la sheegayaa in dabku u muuqdo mid sii xoogeysanaya maadaama dab-damiskii magaalada aanu goobta gaarin weli.
Xaaladda guud ee magaalada ayaa kacsan, iyadoo dad badan ay ka baqayaan in dabku gaaro qeybo kale oo suuqa ka tirsan. Lama soo warin in dad wax ku noqotay iyo inkale.
Isha ku haay Hbn Online Tv

