Waqooyi Bari oo sheegtay inay Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto in maamulada kale la gaarsiiyo Aqoonsiga Qaranka

Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabayo fududeynta bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, kaas oo laga siin doono dadka ku nool magaalooyinka iyo gobollada ay maamulaan, loona gudbin doono deegaannada kale ee maamulada dariska ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Waqooyi-bari, Axmed Cali Yakhle, oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in tallaabadani ay ka mid tahay dadaallada lagu doonayo in adeegyada dowladdu u gaaraan shacabka, isla markaana loo fududeeyo helitaanka aqoonsiga rasmiga ah.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu caddeeyay in dadka ku nool magaalooyinka waa weyn, oo ay ku jiraan kuwa maamullada kale, ay ka heli karaan adeegga aqoonsiga magaalada Laascaanood, halkii ay u safri lahaayeen meelo fog. Wuxuu tilmaamay in iyaga & hay’adda Aqoonsiga Soomaaliya ay iska kaashan doonaan furitaanka iyo balaarinta cusub kale si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Arrintani waxay u sahli doontaa dadka kale ee ku nool magaalooyinka Garoowe, Qardho & Boosaaso inay helaan adeegyada, maadama maamulka Puntland uu khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.

Maamulka ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay si degdeg ah u qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, maadaama uu muhiim u yahay adeegyo badan oo dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay, ayna dowladdu sheegtay inuu sanadka dambe noqon doono mid waajib ka dhigaya helitaanka waxyaabo badan oo socdaalka iyo adeegyada kale ku jiraan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed