Laba askari ayaa ku dhintay, halka labo ruux oo kale ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kadib markii gaari nooca raaxada ah (Toyota Harrier) uu ku dhacay mooto Bajaaj ay wateen — ayna gabi ahaanba burburitay.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in wadaha gaariga, oo isna la sheegay inuu askari yahay, uu ku socday xawaare aad u sarreeya xilligii uu shilka dhacayay.
Ciidamada amniga ayaa si deg-deg ah goobta u tegay, waxayna gacanta ku dhigeen darawalkii gaariga oo dhaawac ahaa, waxaana la sheegay in booliisku baaritaan ku sameynayo si loo ogaado sababta shilka, gaar ahaan wararka sheegaya in darawalku uu isticmaalay walxo maandooriye ah.
Intaas kaddib, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in isla xalay ay Garoowe ka dhacday israsaasayn, taas oo sababtay geerida askari ka tirsan ciidanka cusub ee Booliska Puntland, balse u jeedada lama oga ka dambeysay.
Hay’adaha amniga ayaa weli wada baaritaan ku saabsan labada dhacdo si loo ogaado faahfaahinta rasmiga ah.
Hbn Online Tv

