Doorashooyinkii lagu waday inay ka dhacaan Muqdisho oo oo dib loo dhigay

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashadii lagu qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, gaar ahaan doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in muddo laba todobaad ah lagu kordhiyay waqtiga soo gudbinta liisaska, muddadaas oo bilaabanaysa 26-ka Nofeembar, kuna eg 10-ka Diseembar 2025. Kordhinta ayaa ujeedadeedu tahay in la xaqiijiyo in liisaska kama dambaysta ah ay noqdaan kuwa dhammaystiran oo sax ah.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in jadwal cusub oo doorashada ah lagu soo bandhigi doono maalmaha soo socda, waxaana ururrada siyaasadda lagu wargeliyay inay si degdeg ah u soo gudbiyaan liisaskooda kama dambaysta ah si looga gudbo dib-u-dhac kale.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed