Dowladda Soomaaliya oo dilashay horjoogihii Alshabaab ee Shabeellaha dhexe

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka deegaanka ayaa la xariijiyey in howlgal ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30-km galbeed kaga beegan magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud ku diileen horjoogihii Alshabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ahaa madaxii jabhadaha Alshabaab ee Shabeellaha Dhexe, kana qeyb qaadan jiray weerarrada kooxda ee gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa lagu bartilmaameedsaday howlgalka. Dowladda ayaa sheegtay in ninkan uu door muuqda ku lahaa maleegista qaraxyada iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo saartay war saxaafadeedka lagu xaqiijiyey geerida Gacal ayaa amaantay ciidamada ka qeyb qaatay howlgalka, iyada oo muujisay in hawlgallada ka dhanka ah kooxda ay sii socon doonaan. Dowladda ayaa ku adkaysatay inay ka go’an tahay ciribtirka gudaha waxay ugu yeertay maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku sugayso amniga, isla markaana ku doonayso in lagu wiiqo awoodda kooxda Alshabaab meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed