Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo xukunno adag ku riday dad lagu helay maalgelinta Alshabaab

Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xukuno isugu jira xabsi, ganaax lacageed iyo la wareegid hanti, ka dib markii maxkamadda gobolka Banaadir lagu soo bandhigay caddeymo muujinaya in dhowr qof ay dhaqaale u uruuriyeen kooxda Alshabaab. Lacagaha ay maareeyeen eedeysanayaashu waxay gaareen malaayiin doollar, sida lagu sheegay warbixinta rasmiga ah.

Baarista xeer ilaalinta ayaa lagu ogaaday in Maryam Maxamed Nuur ay isticmaashay 5 telefoon iyo 5 akoon bangi, iyadoo lacago ka badan 2 milyan oo doollar ay dhex mareen. Sidoo kale, Samatar Daahir Axmed, oo wade Mooto Bajaaj ahaa, ayaa adeegsaday laba akoon oo ay dhex martay lacag dhan 5 milyan oo doollar. Eedeysane Xasan Aadan Cabdulle ayaa la ogaaday in akoonkiisa ay ka dhex mareen ku dhowaad 2 milyan oo doollar, iyadoo aan la aqoon halka uu ka shaqeeyo.

Dhinaca kale, Xasan Maxamed Ibraahim oo ah nin waayeel ah ayaa hal akoon uu lahaa lagu ogaaday in loo adeegsaday lacag ka badan 3 milyan oo doollar oo dhexmartay.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in dhammaan lacagahaasi loogu talagalay in lagu maalgeliyo falal sharci-darro ah iyo hawlgallo ay fuliso Alshabaab.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maryam Maxamed Nuur ku xukuntay 6 sano oo xabsi ah, $20-kun oo doollar oo ganaax ah, iyo in lagala wareego dhulka iyo booska ay ka heshay lacagtan.

Saddexda kale ee kala ah Samatar Daahir, Xasan Aadan Cabdulle iyo Xasan Maxamed Ibraahim oo maqane ah ayaa mid kastaba lagu riday 14 sano oo xabsi ah iyo $20-kun oo doollar oo ganaax ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa digniin adag u diray dadka lagu dhaqaalaha ku taageera kooxa la mamnuucay inay gabaad siiyaan iyo dhaqaale, halka gacanta hantida ugu haya loo diray fariin adag oo digniin ah, isagoo sheegay in ciddii lagu helo maalgelinta falal amni-darro lagu wajihi doono ciqaab adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed