Xulka qaranka Soomaaliya oo ka badiyey dhigooda Rwanda

Xulka qaranka Soomaaliya ee ka yar 17 sano ayaa galabta guul weyn oo 3–0 ah ka gaaray dhiggooda Rwanda, kulan ka tirsan Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda dalka Itoobiya. Ciyaartan ayaa aheyd mid muhiim u ah wiilasha Ocean Stars, maadaama ay ka ahayd kulankoodii afaraad ee tartanka.

Soomaaliya ayaa bandhig ciyaareed heer sare ah soo muujisay, iyagoo ciyaarta ku bilowday cadaadis iyo kubad xirfad leh. Isku xirnaanta dhalinyarada ayaa u horseeday inay saddex gool oo nadiif ah dhaliyaan, kuwaas oo guusha u xaqiijiyay.

Guushan waxay ka dhigan tahay in xulka Soomaaliya uusan weli la kulmin wax guuldarro ah tartanka oo dhan. Afarta kulan ee ay ciyaareen, waxay heleen hal guul iyo saddex barbaro, taas oo siisay 6 dhibcood.

Rajada Soomaaliya ee u gudubka wareega afar-dhamaadka ayaa weli taagan, balse waxay ku xirantahay natiijada ciyaarta u dhaxaysa Kenya iyo South Sudan. Haddii Kenya laga adkaado, fursadda Soomaaliya ayaa noqonaysa mid aad u wanaagsan. Hase yeeshee, haddii Kenya guuleysato, Soomaaliya si toos ah ayay tartanka uga haraysaa inkastoo ay maanta soo bandhigeen ciyaartii ugu fiicnayd ee tartankan.

Dhalinyarada 17 jirada ah ee Ocean Stars ayaa weli helaya amaan ballaaran oo ku saabsan horumarka ay garoonka ku soo bandhigeen.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed