Maxkamadda Mudug oo dib u bilaabeysa dhageysiga gal-dacwadeedka gabadhii si arxan darro ah loogu dilay Gaalkacyo

Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Mudug ayaa maalinta bari ah sheegtay inay dib u billaabi doonto dhageysiga kiiska dilka marxuumad Saabiriin Saylaan, oo si arxan darro ah loogu jirdilay looguna dilay magaalada Gaalkacyo.

Dhageysiga wajigiisii koowaad ah ayaa lagu soo bandhigay muuqaallo argagax leh oo muujinaya jirdil, xiritaan iyo tacaddi joogto ahaa oo loo geystay gabadha, kuwaas oo ay soo bandhigtay Xeer Ilaalintu.

Eedeysanaha Hodan Maxamuud Diiriye, oo maxkamadda hortimid, ayaa qiratay jirdilka balse diiday inay dishay marxuumadda, halka eedeysane labaad Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas, isna loo heysto masuuliyad ka dhalatay ilaalinta qoyska.

Maxkamaddu waxay amar ku siisay Xabsiga dhexe iyo Booliska Gaalkacyo in labada eedeysane lagu soo horgeeyo dhageysiga loo muddeeyay Isniinta, 24-ka November 2025, 8:30 subaxnimo. Eedeymaha loo heysto waxay ku saleysan yihiin qodobbada 432, 434, 448 iyo 164 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed