Xasan Sheekh & Farmaajo oo hawada isu mariyay hadallo siyaasaddeed oo la isku durayo

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga jawaabay hadallo dhaliil ah oo uu jeediyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii sheegay in uu galay xaalado adag oo halis & faqri ah.

Xasan Sheekh oo nasiib-darro ku tilmaamay hadaladas ayaa weerar ku qaaday dadka uu ku sifeeyey inay fursad ka dhigtaan meelaha jilicsan ee dalka, isagoo yiri: “Waa nasiib daro marka dadka qaarkiis meelaha naga dhiman ay aad u iftimiyaan.”

Wuxuu carrabaabay in magaalada Muqdisho ay maanta ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd sanado ka hor, isla markaana dadka deegaanka ay marqaati u yihiin isbedelka ka jira dhinacyada amniga iyo adeegyada.

Sidoo kale, wuxuu qiray inay jirto baahi iyo faqriga shacabka haysta, balse wuxuu sheegay in dowladdu wali aanay haysan awood buuxda, isla markaana ay ku dadaalayso sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira. Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mustaqbalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay noqon doonto dal shaqo loo dalxiis tago mustaqbalka.

Dhanka kale, madaxweyne hore Farmaajo oo kulan la yeeshay xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran oo la mid ah macaluushii 1992-dii ee Caga Barar. Wuxuu xusay in boqolaal kun oo qof ay ku adkaatay helitaanka cunno maalin walba.

Farmaajo ayaa dhaliil adag u jeediyey go’aanka dowladda ee ku saabsan dib u soo celinta dhulka dowladda, isagoo ku tilmaamay tallaabo qaldan oo u baahan in la joojiyo. Wuxuu sheegay in arrimaha hantida loo wajahayo qaab aan sax ahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, wuxuuna xusay in dowladda hadda jirta ay u harsan tahay lix bilood, islamarkaana looga fadhiyo inay caddeyso habraaca doorashada iyo waqtiga rasmiga ah ee ay dhici doonto. Wuxuu ugu baaqay dowladda in aan dib loo dhigin arrintan, isla markaana bulshada iyo siyaasiyiinta la siiyo xog rasmi ah.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayay ereyga “Faqri” ee uu adeegsaday Farmaajo, inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu isna qiray in baahi iyo faqriba dalka ka jiraan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed