Hay’addaha amniga Kenya oo xabsiga dhigtay haaweenay loo heysto howlo taageero aggagixiso

Ciidamada Dambi Baarista Kenya ayaa sheegay in howlgal sirdoon ku saleysan oo ay ciidamada gaarka ah ka fuliyeen magaalada Nairobi lagu qabtay haweeney lagu tuhunsan yahay inay taageero siineysay koox argagixiso, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanku.

Howlgalka oo ka dhacay guriga Caasho Khaasim Xasan ka dagan tahay xaafadda Eastleigh ayaa waxaa boolisku ku soo qabteen oo dheeraad ah baasaboorkeeda iyo moobilkeeda, kuwaas oo haatan baaris farsamo lagu sameynayo si loo ogaado xiriir kasta oo ay la leedahay shabakado kale oo xagjir ah.

Haweeneyda la qabtay ayaa hadda ku jirta xabsi, waxaana la filayaa in maxkamad la horkeeno marka ay dhammaadaan habraacyada sharciga.

Hay’adda dambi baarista ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Kenya ugu jirto ka hortagga argagixisada, iyagoo shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka oo ay soo gudbiyaan xogaha muhiimka ah, maadaama iskaashiga bulshada uu door weyn ku leeyahay kahortagga weerarrada iyo xagjirnimada.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed