Maxkamadda Ciidamada oo xukunno dil ah ku riday dad lagu helay dambi wadareed, gubis iyo weerar rayid ah oo ka dhacay Shabeellaha hoose

Iyadoo toddobaadkii hore uu gobolka Shabeellaha Hoose ka socday dhageysiga dacwadaha eedeysanayaal loo haysto dilal la xiriira aanooyin qabiil, ayaa maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxay soo saartay xukuno isugu jira dil, xabsi iyo dib xorriyad u siiddayn ah. Xukunadan ayaa la xiriira kiisas culus oo horaantii bishan ka dhacay degmooyinka Wanlaweyn, Yaaqberiweyne iyo deegaano hoostaga.

Xasan Buulle Isaaq, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha koox loo haysto dilka marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed, ayaa la horgeeyay maxkamadda, isagoo ku eedaysnaa inuu ku qasbay marxuumka inuu woco ehelkiisa & waydiinta lambarkooda, fal lagu sheegay in lagu shirqooli rabay walaalkiis si uu u dilo.

Falka loo heysto mr Buulle waxaa kula jiray Yuusuf Aadan Xuseen, Abshir Cabdow Made, Maxamed Siid-Cumar Aw-biime, Cumarey Iskow Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar, Yuusuf Abuukey Maamo, iyo Jamaal Maxamed Qaadi oo dhammaantood lagu soo oogay ka qaybqaadasho dil wadareed ka dhacay degaan 18km u jira Wanlaweyn, halkaas oo lagu dilay 12 qof, halka marxuum Isaaqna lagu gubay, waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa iyagoo maqane ah xukun dil ah ku riday Cali Isxaaq Guuleed, Fu’aad Axmed Maxamed, Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed, Xuseen Maxamed Qaasim, iyo Cabdi Cismaan Maxamed Tuurre.

Waxaa lagu helay dambiyo la xiriira weerar lagu dilay 5 ruux, laguna dhaawacay 5 kale, kaas oo ka dhacay ceelka Yaaqberiweyne — halkaas oo sidoo qof kale loogu dilay si arxan darro ah.

Dhanka kale, waxaa mid shan sano oo xabsi ciidan ah lagu xukumay, kadib markii lagu helay inay ku lug yeesheen falalkii dhacay, Cabdifitaax Sokoreey Gaduudow, Saalax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullaahi Siidow, Maxamed Daahir Cusmaan & Muslimo Cabdi Kuusow, iyada oo xoriyadooda dib loo siisay Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Cabdi Xasan Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axme iyo Cismaan Cabdulle Caliyoow.

Xukunadan ayaa qayb ka ah dadaallada ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ee lagu doonayo in lagula xisaabtamo kooxaha ka dambeeya dilalka aanooyinka qabaa’ilka iyo falalka ka dhan ah amniga bulshada.

Goor hore oo maanta ah, Gudoomiyaha Maxkamadda darjada 1-aad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa eedeymo culus u jeedeeyey dad xasaanad leh iyo odyaal dhaqameen, kuwaa oo uu tilmaamay inay ku lug yeehseen arimaha hurinta coladaaha qabaailka ka socda meel badan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed