Koox burcad ah oo hubeysan ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Cusmaan, kaas oo dukaan ku lahaa xaafadda Philippi ee magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Goobjoogayaal maxalli ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay gudaha ugu galeen dukaanka marxuumka, halkaas oo ay ku toogteen, iyaga oo markiiba goobta ka baxsaday. Philippi ayaa horay loogu yaqaanay goob halis u ah ganacsatada Soomaalida, kuwaas oo si joogto ah ugu wajahaya weerarro iyo dhaca rabshadaha wata.
Booliska Koonfur Afrika ayaa saacado ka dib gaaray goobta dhacdada, iyaga oo sheegay in baaritaan uu socdo, hase yeeshee aan wali cidna loo soo qaban falkaasi.
Weerarada ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa toddobaadyadii u dambeeyay si weyn u kordhay, iyadoo dilalka iyo boobka lagu hayo ay gaareen heer argagax leh.
Iyada oo ay xaaladdu sii xumaanayso, dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dilalka iyo weerarrada isdaba joogga ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinteeda ku nool Koonfur Afrika.
Sanad walba, tiro badan oo Soomaali ah oo ku ganacsada dalkaasi ayaa la kulma dilal, dhaawacyo iyo dhac hubeysan, iyadoo aysan muuqan dadaallo amni oo wax ku ool ah oo ay qaadayaan mas’uuliyiinta Koonfur Afrika si loo yareeyo khataraha heysta bulshada Soomaaliyeed.
Hbn Online Tv

