Waxaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey in ka badan 150 dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xayirnaa xabsiyada ay maamulaan magafayaasha dalka Liibiya, ayna taciyo baaxad leh kala kulmeen dad badan.
Tirada guud ee dhalinyarada lasoo celiyey oo gaaraysa 152 qof ayaa intooda badan la sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin aad u daran oo ay kamid yihiin jirdil, gaajaysiin ku tala gal ah, iyo daryeel la’aan caafimaad.
Mid ka mid ah dhalinyarada tahriibka aheyd oo warbaahinta garoonka kula hadashay ayaa sheegtay in dhibaatooyin aad looga xumaado ku jiraan dad aan nasiib u helin in la soo tarxiilo, kuwaa oo wajahaya xaalado adag. Waxay sheegtay in qaar ka mid ah u baahan yihiin hadda kuwa la soo dejiyey daryeel caafimaad oo degdeg ah, maadaama ay ka soo gudbeen tacaddiyo iyo xaalado bani’aadamnimo oo adag oo ay ku qasbeen kooxaha dadka tahriibiya iyo kuwa madax furashada ka qaata.
Axlaan Cabdikariin, oo ka mid ahayd dhalinyarada maanta lasoo celiyey, ayaa u mahadcelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinteeda. Waxay sheegtay in weli ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan gudaha Liibiya, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah iyo badbaadin.
Axlaan oo ka warbixinaysay wixii ay soo mareen ayaa tiri: “Liibiyaanka waxay Soomaalida ku sameeyaan jirdil haddii ay lacagta bixin waayaan. Dhalinyaro ila socotay ayaa horteyda ku dhimatay, intabadan tacaddiyada waxaa laga la kulmaa xabsiyada.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u ballanqaadday inay waddo dadaallada lagu soo badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalalka tahriibka ay ku galeen, gaar ahaan kuwa ku sugan Liibiya, halkaas oo xaaladaha dadka lagu hayaa ay aad u liitaan.
Hbn Online Tv

