Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya duqeyn lala beegsaday Daacishta Caalmiskad ee gobolka Bari

Taliska Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacishta buuraha Calmiskaad ayaa sheegay in duqeyn cirka oo ka dhacday galabta lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS oo ku dhuumaalaystay agagaarka ceelka Maragade ee dooxada Baallade.

War saxaafadeed kooban oo ka soo baxay howlgalka ciidamada lagu magacaabo “Ciribtirka Argagixisada Puntland” ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fuliyeen taliska howlgalka Mareykanka ee Afrika, inkasta oo AFRICOM aysan dhankeeda xaqiijin in wax duqeyn ah ay ka geysatay buuraha Calmiskaad.

Duqeyntan ayaa ku soo aaday maalin kadib markii isla taliska Ciidamada Puntland uu sheegay in xubno firxadka kooxda Daacish ah lagu duqeeyay deegaanka Togga Baallade, taasoo ka dhigan in maalintii labaad ama wax ka yar 24-saac ay duqeyn kale halkaasi ka dhacday.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah, sida uu taliska ciidamada ku sheegay warka uu soo saaray, dagaalka socda ee lagula jiro kooxaha loo yaqaan argagixisada, gaar ahaan howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Dagaalka ka socda buuraha lama-galaanka ah ee Calmiskaad oo ku dhow muddo sanad ah ayaa ku soo aadaya iyadoo bil ka hor uu madaxweynaha maamulka Puntland sheegay in kooxda Daacish ku ee sugnayd halkaasi laga qabsaday, inkasta oo ciidamadu weli la kulmayaan iska horimaadyo kooban iyo qaraxyo dhabbagal ah oo khasaare geystay.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed