Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa ku dhawaaqday in sanadka cusub si rasmi ah loo bilaabayo adeegsiga nidaamka casriga ah oo lagu magacaabo e-CTN (Electronic Cargo Tracking Number), kaas oo lagu maamuli doono laguna diiwaangelin doono dhammaan alaabaha dibadda ka imanaya ama ka dhoofaya dekedaha dalka.
Tani ayaa noqotay shuruud qasab ah oo si buuxda uga dhaqan-galaysa dhammaan dekedaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in nidaamkan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo hufnaanta, kor u qaadista dakhliga dekedaha, iyo casriyeynta maamulka badda, kaasi oo dhigaya shuruuc adag oo saameyn doonta dekada dalka.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuuamadda Soomaaliya oo iyadu soo saartay sharcigan cusub ayaa sheegtay in e-CTN uu muhiim u yahay amniga iyo dhaqaalaha dalka, maadaama uu suurtagelinayo in shixnad kasta si hore loo diiwaangeliyo inta aan laga soo kicin dekedaha caalamiga ah.
Tani waxay dowladda u sahlaysaa sida uu dhigayo warka wasaaradda in la ogaado nooca alaabta, halka ay ka timid, iyo cidda iska leh, taas oo ka hortagaysa soo degista hubka sharci-darrada ah, maandooriyaha iyo walxaha qaraxyada ee mararka badan si dhuumaaleysi ah ku soo gala dalka.
Nidaamka cusub ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu dardar-gelin doono howlaha dekedaha, isagoo yaraynaya waqtiga lumaya, buuqa warqadaha badan iyo adeegyada gacanta lagu qabto.
DFS ayaa ku tilmaamtay e-CTN inuu yahay bilow cusub oo dalka dib ugu soo celinaya maamulka casriga ah ee dekedaha, isla markaana xoojinaya amniga badda iyo kobaca dhaqaalaha, iyadoo ugu baaqday dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha maraakiibta inay u hoggaansamaan nidaamkan, si loo xaqiijiyo in ganacsiga dalka uu u socdo si sharci ah, amni leh oo hufan.
Hbn ONline Tv

