Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa tilmaamaya in dagaallo culus ay ku dhex mareen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Jubaland, iyo dagaalyahannada Alshabaab, deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.
Khasaaro ballaaran ayaa ka dhashay iska horimaadka, inkastoo aysan weli jirin tiro rasmi ah oo ay si wadajir ah u soo bandhigeen dhinacyada ku dagaalamay.
Dhanka kale, milatariga Maraykanka ayaa sheegay in Jimcihii iyo Sabtidii ay fuliyeen duqeymo cirka ah oo ka dhacay deegaanno ku yaalla koonfurta Kismaayo, meel qiyaastii 50 km u jirta magaalada.
Warkan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay guullo ka sheegatay dagaallada Jubbada hoose oo maraya meel adag, halka Jubbaland ay carrabowday in inka 50 xubnood Alhsabaab looga dilay deegaano Jamaame hoostaga.
HBN ONLINE TV

