Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay abaartii ugu darnady ee saameysay deegaannada miyiga, iyada oo muujisay in xaaladda ay aad u halis tahay isla markaana dadka qaarkood ay qarka u saaran yihiin dhimasho ka dhalata biyo iyo cunto la’aan darteed.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku nool deegaannada abaartu saameysay ay wajahayaan gaajo daran iyo biyo la’aan.
“Dadka Somaliland waxaan u sheegayaa in abaartii adkaatay, hadda waa sii baahday. Barigaa daran biyo ma jiraan, baadkii [cuntada] waa dhamaaday, gaajaa disha,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.
Isaga oo ka digaya in xaaladdu ka sii dari karto, ayaa wuxuu shacabka ku booriyey inay gacan ka geystaan badbaadinta dadka halista ku jira, isla markaana dadka kaalin ka geysan kara xaaladda la soo dhawayanayo.
“Waxaan maanta halkaan u joognaa si hadhow aan la oran maxaad u sheegi waydeen,” ayuu sii raaciyey, isaga oo muujinaya xaaladda adag ee ka jirta deegaannada abaartu saameysay ee Somaliland.
Wuxuu ku soo gabagabeeyey fariin uu si wayn ugu muujiyey heerka ay sababi karto abaartu, haddii dadku aanu gurmad degdeg ah la sameeyeen kaasi oo ah mid aad khatar badan oo dhimasho badan geysan kara.
HBN ONLINE TV

