Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ku dhawaaqday tallaabo adag oo ka dhan ah macdan-qodista sharci darrada ah ee laga sameeyo gobollo ka tirsan dalka, iyada oo caddeysay in aanay jirin cid samayn karta macdan-qodis aan oggolaansho rasmi ah ka haysan dowladda dhexe.
Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay xog muujinaysa in shaqsiyaad iyo shirkado isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ay ku howlan yihiin sida hadalka ay u dhigtay macdan-qodis aan sharciyeysneyn.
Wasaaraddu waxay tilmaamtay in hawlaha macdamaysiga sharci darrada ahi ay khilaafsan yihiin dastuurka dalka, heshiisyada maamul-wadaagga khayraadka, iyo qaanuunka caalamiga ah ee xukuma lahaanshaha iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah. DFS waxay ku adkaysay in ruqsadaha sahminta iyo soo saarista macdanta ay yihiin awood u gaar ah dowladda Federaalka.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka, macdan-qodista sharci darrada ahi kaliya ma aha ku xadgudub gobannimada dalka, balse waxay sheegtay inay dhaqaale u abuurto kooxo loogu yeero argagixisada, taas oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Dowladda ayaa sheegtay in dhaqaalaha ka dhasha macdan-qodista sharci darrada ahi uu si toos ah u saameeyo nabadgelyada qaranka.
DFS ayaa ugu baaqday dhammaan dadka iyo hay’adaha ku lug leh qodista macdanta inay si degdeg ah u joojiyaan hawlahooda, iyadoo ku hanjabtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku adkaysata. Dowladda ayaa xustay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
HBN ONLINE TV

